Muuse Biixi Oo Qorshihii uu Farmaajo la Horfadhiisan lahaa Ka Khalkhaley,

Hargaysa{ Khaatumonews } Xildhibaan Siciid Warsame oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Somaliland, ayaa ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo dhaliilo usoo jeediyay maamulka Muuse Biixi.

Xildhibaan Siciid ayaa ku dhaliilay Muuse Biixi, inuusan jirin wax qorshe oo uga meel yaal Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax natiijo ah laga gaadheyn wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya inta ay xukuumada Biixi bilaa qorshe ku galayso Wada-hadaladaasi.

Isagoo ugu dambeyntiina ugu baaqay Maamulka Muuse Biixi iney qorshe ka yeelato wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, haddii kale ay isku badali doonaan Wada-hadalada Soomaaliya oo qudha, kuwaasi oo ku qotomi doona Wada-hadal tabasho, taasi oo ku sheegay inay meesha ka saareyso wada-hadal lagu noqon karo labo dowladood.

Sikastaba, Dhowaan ayaa la filayaa inay dib u furmaan Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.