Daawo:Maamulka Muuse Biixi oo Aan Isku War Hayn iyo Fashilka Kala Hadalka ,

maqal iyo muuqaal Wararka

Bisha¬†April markay ahayd 2, 2019 Magaalada Hargaysa waxa warbaahibta kula hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somalialdn Maxamed Kaahin isagoona ka hadlay Xaalada Ganacsade Geel ayaa yidhi’Waarankaasi Ma Hayno wasiirka Daakhiliga anigaa Ahoo Anigu iigu Hor imaanlaha waana Been abuur Ganacsadahaana meelbaa looga dhacaya ‘


Halkaasi markuu wasiirkii ugu tunka weyna hadalkiisa uu dhigay waxaa maanta oo bisha april tahay 4 war Dhamaystiran soo saaray Madaxtooyadda Muuse Biixi oo cadeesay in Ilaa 2018 ay soo gaadhayeen Farrimaha iyo Waraaqa Dawlaha Jabuuti iyo Faraniisku ku Codsanayaan in loo Soo Gacan galiyo ganacsade geelle islamarkaana uu yahay Danbiile soo dhacay lacag ka badan 20 Milyan oo Dallar,

Shacabka Deegaankaasi somaliland ayaa is weydiinaya xubnahan wasiirada iyo Afhayeenada ah ee xukumada Muuse Biixi ma iyaga hadlaya mise waa laga dhex hadlay awaa laba masuul oo isku maamul ah oo hal arrin midba si ugu sheegaayo shacabka!