Cali Guray Oo Si yaab leh Uga Hadlay Ganacsade Hargaysa Ku Sugan Oo Soo Dhacay Jabuuti

Hargaysa{ Khaatumonews }Siyaasi Cali guray oo kamid ah Xubnaha maamulkaasi ee Somaliland islamarkaana ah siyaasiyiinta ugu hadalka dhiiran Hargaysa ayaa si cad uga hadlay xaalada ganacsadaha ku sugan Hargaysa ee lagu haysto in uu lacag ka soo dhacay Wadamada Jabuuti iy Faransi,

Cali Guray Ayaa yidhi isagoo ka hadlaaya xaalada Geelle”Gari Allay taqaane Axmed Cismaan Geelle waxna wuu sheeganayaa waxna waa loo sheeganayaa. Maxkamadda Somaliland hadii ay ka garnaqayso wuxu sheeganayo iyo waxa loo sheeganayo labadaba sax ayaan u arkaa. Hadii ayse tahay waxa ka maqan maxkamadda kale oo Jabuuti ah ayaa qaaday oo go’aan ka gaadhay ee keliya wixii loo haystay ayay maxkamadda Somaliland ka garnaqaysaa taasi maaha cadaalad.’

Mar kale Cali guray oo Sii tixraacaya hadalka maanta ka soo yeedhay afhayeenka madaxtooyada somaliland ayaa yidhi”’Sida uu cadeeyay af hayeenka Madaxtooyadu Maxkamadda Somaliland hadii ka garnaqayso wixii uu sheeganayay iyo wixii loo sheeganayayba sidaana dhinacyada dacwaddu ka dhaxaysaa ay isla ogol yihiin ma filayo in maxkamadda Somaliland ay ka hiilin doonto Axmed Cismaan isagoo ah muwaadin Somaliland ah oo reer Hargeysa ah Hargeysana ku sugan oo aan Ilaahay mooye cid uu ka baqanayaa jirin”