DAAWO:- Axmed Madoobe iyo Raysal Wasaare Khayre Oo Fooda Isgaliyay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Madaxwayaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Jubaland ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay cashada uu ku sharfay isaga iyo wafdiga ku wehliya socdaalkiisa magaalada Muqdisho.

Casho sharafta kadib ayaa ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxwaynaha Jubaland, waxa ay kormeereen qaybaha uu ka koobanyahay xafiiska Ra’iisul Wasaararaha oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.