Dhacdo yaab leh Oo Qabsatay Haweenay Reer Muqdisho Ah,

Iyadoo xaalada muqdisho ay haatan marayso meel adag islamarkaana dawlada soomaaliya ku soo daadisay ciidamo kala duwan ayaa waxaa sii badanaya dhibta shacabka kala kulmayan ciidankaasi,

Saaka haweenay kamid ah shacabka muqdisho ayaa la kulan tahay arrin cajiib ah sida ay ku baahisay barteeda Facebook kadib markii ciidanku u qabten nin ahaan haweenaydaasi.

‘Saaka anoo kusoo wajahan shaqo ayaa askari iga dajiyay bajaaj waxuuna idhahay waa lagaa shakiyay Saldhiga Bondhere la igeeyay Hal Saacadood waxaa la baarayay inaa ahay Nin’ Ayay tidhi fayso dhocob

Faysa oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi”Waxee dhaheen Naag Matihid. Gabdhahii Saldhiga joogay markii la igu wareejiyay inay I baaraan koow Hanjabaad ayay igu bilaabeen dharka siib.Ana waxaan iri ma siibayi baaritaan leedahay.Hadaad Wax iga garan waydo dhaqtar hala doono ibaara. Askari kale iyo Gabadh wax baarta waxay taagan yihiin Ninka Cilaan ayaa umarsan’

Ugu Danbayn waxaa ay tidhi Faysa ”Halsaac kadib ayagoo isku soo dad badsadeen ayaa oday askari Saldhiga ka ah dhahay waa Dumar  waa u gafteen Ee iska sii daaya.’