Deg Deg:Weftiga Hargaysa Ku Soo Wajahan Iyo Qorshaha Socdaalkooda Oo Labo Arrin Ah.

Hargaysa{ Khaatumonews }Wararka ay helayso Khaatumonews ayaa sheegaya in maanta ay magaalada Hargeysa kusoo wajahan-yihiin Wefdi ka socda Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska.

Wafdigan lagu wado inay yimaadan Hargeysa, ayaa u badan safiiro kasocda wadamadaas, iyaga oo aan weli wax-faahfaahin laga helin intay ka koobanyihiin wafdigan.

Sida ay xogtu nagu soo gaadhay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan madaxtooyada Somaliland, ujeedka wefdigan ayaa ah sidii arrimaha doorashada Somaliland ugala hadli lahaayen xisbiyad iyo maamulkaasi Somaliland, kuwaasi oo xoog ku saari doona sidii doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaankuba ay wakhtigooga ku qabsoomi lahaayen.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in ujeedka Wafdigan aysan ka madhneyn arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Si kastaba, Wafdigan maanta iman doona Magaalada Hargeysa, ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu xisbiga Waddani shaaciyey inay isku fahmi waayen arrimaha doorashooyinka xisbul xaakimka Kulmiye.