Deg Deg:Beesha Warsangali Oo Wefti U Dirtay Jeegaanta.

Wafdi ka kooban Cuqaal, Nabadoono iyo Guurti kamid ah beesha Warsangeli ayaa gaadhay magaalada Ceergaabo ee Gobolka Sanaag.

Waftidan oo ka soo kicitimay magaalada Badhan ayaa ah guddi laga soo xulay Shir muddo todobaad ah uga socday hogaanka dhaqanka ee beesha Warsangeli magaalada Badhan, waxana ka soo qayb galay shirkaas guurti ka kala yimi Magaalooyinka gobolka ee kala gedisan, waxana lagaga arin sanayey xiisada amni daro ee ka dhalatay Ciidanka Maamulka Somaliland keenay Deeganka Yube bishii hore.

Xubin ka tirsan waftiga ayaa khaatumonews  usheegay in ujeedada Safarka wafdidu ku tageen Magaalada Ceergaabo tahay : –


1. Sidii ay wada tashi ula sameyn lahayeen waxgaradka beesha ee degan Magaalada Ceergaabo.


2. Sidii Ciidanka maamulka Soomaaliland keenay deeganka Yube – ee ay ka dhalatay amni daradu – loogala hadli lahaa Maamulka Gobolka iyo Ciddii kale ee ay khuseyso.

Muddo labo todobaad ah ayaa deeganka magaalada Yubbe gobolka Sanaag isku hor fadhiyeen Ciidan maamulka Soomaaliland keenay degaankaas iyo ciidanka Puntland ee kasoo jeeda gobolka