Cali Khaliif Galaydh Oo Caawa Muraara Dilaac Ah,Markii Loo Diiday Inuu La kulmo Weftigii Midowga Yurub Ee Hargaysa yimid

Hargaysa{ Khaatumonews } Xili ay magaalada Hargaysa ku sugan yihiin wefti balaadhan oo ka socda Beesha caalamka gaar ahaan midowga yurub ayaa isna waxaa ku sugan Hargaysa cali khaliif galaydh oo maamulka muuse bixii ka hoos qaadi wayay heshiis uu hore ula galay siilaanyo.

Cali khaliif galaydh waxa uu isku dayay in uu kiciyo siigo siyaasadeed oo beelaysan islamarkaana waxaa uu cali khaliif galaydh naf biday Horgalada dhulbahante ee ku sugan Hargaysa isagoo ku khasbay xubmo ay isku ehel yihiin inay qaadacad doorashada snm islamarkaana ku xidhan shardi ah in aysan ka dhacay ilaa loo furo dastuurka doorasho sool sanaag,

Galaydh sidoo kale waxaa uu bilaabay abaabul uu doonaayo inay kula kulman xubnaha beesha caalamka isaga iyo Horgalada kale ka soo jeeda khaatumo islamarkaana ay beesha caalamka kala hadlan in Muuse Biixi inna lagu cadaadiiyo inuu dhanka Cali khaliif Soo eego.

Markay halkaasi xaajo marasay Muuse Biixi waxaa uu safka hore soo dhigay wasiirka Arrimaha dibada somaliland Faratoon oo weftiga Midowga Yurub hor boode uhaa si meesha looga saaro qorshaha cali khaliif iyo looma dhama somaliland waxaana muuse joojiyay ama xidhay in cid kale kulan la samayso weftiga.

Lama yaqaan qorsha iyo Abaabulka galaydh siduu u hirgali doono balse waxaa cad in qorshahan galaydh muujinaayo nafla aanta u taal Hargaysa,