Istanbul iyo Ankara labada magaalo ee ugu weyn Turkiga labadaba madaxweyne Ardugan xisbigiisa waa lagaga adkaaday, waxaana ku guulaystay xisbiga shacabka oo ah xisbiga muraadka ugu xoog weyn. Waxaana la filayaa in uu Akram Imaam Oglo noqdo guddoomiyaha magaalada Istanbul.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Doorashooyinkan oo ah doorashooyinka dawladaha hoose iyo deegaanka waa halka laga eego shacbiyada xisbigu haysto, arrintani waxay tilmaam u tahay isbadelo ku Soo socda Turkiga, oo awoodii Ardugan soo yaraanayso taageeradiisuna sii yaraanayso.
Doorashadan dadka ka qayb galay aad ayey u tiro badnaayeen 88% ku dhawaad ayaa ka qayb galay dadka diiwaan gashanaa.
Dhaqaalaha Turkiga ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey hoos u dhacayey, lacagta Liiraha ee dalkaasina hoos ayey u dhacday.
Doorashooyinkan waxaa aad u danaynayey reer Galbeedka iyo dalal badan oo Ardugan ay aad isu hayeen waxayna ku qiimaynayeen awoodiisa iyo saamaynta uu wali leeyahay.
Dalka intiisa kale waxaa ku horeeya Xisbiga Ardugan oo helay 44% halka xisbiga mucaaradkuna helay 34 ku dhawaad.
