Muqdisho{ Khaatumonews }Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay wareysi laga qaaday mid kamid ah ragii fuliyay Weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xarunta Wasaarada Shaqada ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu watay ruux ismiidaamiyay, waxaana qaraxa kadib rag hubeesan gudaha u galeen dhismaha Wasaarada.

Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ee weerarka lagu bilaabay waxaa waday  Jimcaale yare Shalabow oo Al Shabaab looga dhax yaqaanay Sufyaan, ninkan ayaana kasoo jeeda  Beesha Ogaadeen gaar ahaan Jufada reer Geeddi Cali.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada  waxaa ku dhintay dad badan uu ku jiray Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Shaqaqada iyo Arimaha Bulsahada sidoo kale ahaa Xildhibaan.