Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka Dhex Qarxay Ciidanka Dawladda iyo Alshabab,
Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay dagaal culus uu duleedka degmadaasi ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarumo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in mudo saacad ku dhow uu socday dagaal u dhaxeeyey ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa u sheegay Radio Risaala iyo ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku garsiiyeen wallow weli aan la helin dad madax banaan oo xaqiijinaya.
Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Qoryooley ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay baadi goobayaan dadkii weerarka kusoo qaaday saldhigyada Ciidamada dowladda ee duleedka degmada Qoryooley.
Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa inta badan ku dagaalama Ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-Shabaab, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Gobolkaas
Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.