Garoowe{ Khaatumonews }Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa maanta ka dhacay kulankii 24-aad ee Kalfadhiga 43-aad ee ay yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, iyagoona ansixiyey miisaaniyada Sagaalka bileed ee xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Kulanka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha gollaha wakiilada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa waxaa goob joog ka ahaa 40 mudane, waxaana ogolaatay in miisaaniyada la ansixiyo 38 mudane hal xildhibaan ayaana ka aamusay halka mid kalena uu diiday.
Guddoomiyaha gollaha wakiilada Puntland ayaa shaaciyey in ay ansax tahay miisaaniyada sagaalka bilood ee xukuumadda cusub taas oo dhan $$54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton Dollar) taas oo uu todobaadkii hore uu gudbiyey wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.
