XOG:Muuse Biixi Oo Wefti U Diray Isra’iil,

Wefti Ka Socda Maamulka Hargaysa ee Muuse Biixi ayaa Gaadhay Dalka Isra’iil sida aanu ku helayno xogta.

Wasiirka Dastuurka Maamulka somaliland Maxamed Xaji Aaden  ayaa la sheegay in u hogaaminaayo weftigaasi gaaadhay Magaalada Talabiib,

Ilaa iyo hada lama yaqaan Sababta iyo qorshaha Socdaalka weftigaasi Gaadhay Caasimada Yuhuuda Ee Talabiib ee ka socda maamulka Hargaysa,

Saxafiyiinta Reer Isra’il ayaa Badankoodu baahiyay socdaalka Weftigan ka socda Hargaysa ee Gaadhay Israil..

Dhanka kale saxafiyiinta yuhuuda ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay isra’iil soo gaadhi doonan wefti ka socda xisbiyada siyaasada mucaaridka ee dawlada fadaraalka soomaaliya