dahabshiil

Fashilkii uu Cali Khaliif u geystay Cabdiqaasim mid la mid ah ayuu Fahad Yasin u geystay Farmaajo

Cali Khaliif Galeyr wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii Dowladii Soomaaliya ee lagu soo dhisay Carta sanadkii 2000, taas oo uu madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan. Dowladaas ayaa timid Muqdisho oo xiligaas ay inta badan maamulayeen hogaamiye kooxeedyo.

Waxaa ay dad badan rajo ka qabeen Dowladii madaxweyne Cabdiqaasim ,taas oo si weyn loogu soo baxay. Waxyaabaha laga filaayay waxaa ka mid ahaa iney wax ka qabato amniga oo ay ka adkaato hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, laakiin nasiib daro ma dhicin.

Waxaa arrintaas loo sababeeya ra’iisul wasaare Cali Khaliif kaas oo diiday in Dowladiisu ay yeelato ciidamo Milatari ah. Dowladii Cabdiqaasim waxey laheyd boolis, Cali Khaliif ayaana diiday in Dowladdu milatari yeelato wuxuuna yiri “Uma baahnin ciidan milatari ah”. Taas waxey sababtay inuu Cabdiqaasim fashilmo.

Hada waa 2019, Fahad Yasin Xaaji Daahir ayaa dhibaatadaas oo kale u geystay madaxweyne Farmaajo oo hada dhiiqo iyo fashil dhexda ka fadhiya. Fahad wuxuu Farmaajo ku qanciyay in la kala diro ciidamadii hubeysnaa ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, taas oo uu Farmaajo aqbalay.

Ciidankii NISA waxaa loo qeybiyay qaar shaqada laga fasaxay, qaar booliska lagu daray iyo qaar lagu wareejiyay madaxda si ay ilaalo qaas ah uga dhigtaan. Hubkii ayaa dhamaantood laga wareejiyay, waxaana hay’adii lagu reebay ciidan dhowr boqol ah oo aan hubeysneyn, balse bistoolado wata.

Tani waxey sababtay in Qaraxyadu ay si joogto ah uga dhacaan Muqdisho. Ciidanka hubeysan ee NISA waxey ex-madaxweyne Sheekh Shariif ka caawiyeen in Al Shabaab laga saaro Muqdisho, halka madaxweyne Xasan Sheekh uu badi u isticmaalay iney nabada soo celiyeen iyo iney Al Shabaab xarumahooda ku beegsadaan.

Hada wax walba wa dhamaadeen. Fahad wuxuu Farmaajo u geystay mid la mid ah dhibkii uu Cali Khaliif u geystay madaxweyne Cabdiqaasim. Labada hogaamiyaba waxey u muuqdaan kuwo ay rag kale ka shaqeysteen oo ay fashiliyeen.

Lama yaqaano inuu Farmaajo is badbadin doono, oo labad sanno ee u dhiman uu soo celin doono ciidamadii hubeysnaa ee NISA, si ay wax uga qabtaan xaalada kasii dareysa ee Muqdisho.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=10850

Posted by on Mar 30 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841