Deg Deg Daawo Video:Xaalad Dagdag Ah Oo lagu Soo Rogay Caasimada Soomaaliya,

Muqdisho{ Khaatumonews }Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa goor dhow ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Magaalada Muqdisho

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Yariisow ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay markii uu sii xumaaday amaanka  magaalada oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhaceen qaraxyo badan oo dad badan ku dhinteen.

Waxaa uu sheegay in inta lagu guda jiro xaalada deg deg ah ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka duwan kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka, isagoo ka codsaday inta ay socdaan howlgallada inay muujiyaan dulqaad badan, ayna jiro doonaan jidad badan oo xirnaan doona, iyadoo laga duulayo amni darada jirta.