Turkiga ayaa maanta sicad u diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadlo lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka careysiiyey xulufada Turkiga ee NATO, gaar ahaan Mareykanka, kadib markii uu go’aansaday inuu iibsado habka difaaca gantaalaha Ruushka, islamarkaana uu xiriir dhow la yeesho madaxweyne Vladimir Putin.
Saraakiisha Mareykanka ayaa uga digay Turkiga inuu wajihi karo cunaqabateyn islamarkaana loo diidi doono ka qeyb-galka diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo.
“Waxaan heshiis la saxiixanay Ruushka. Heshiiskana waa mid sharci ah. Waxaan hadda ka hadleynaa sidii habkan na lagu soo gaarsiin lahaa” waxaa sidaas yidhi wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo shir jaraa’id magaalada Antalya kula qabtay dhiggiisa Ruushka.
“Ruushka waxaan la galnay heshiis, waana u hogaansamaynaa” ayuu yidhi Cavusoglu oo intaas ku daray in cadaadiska dalalka kale uu kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah.
