Qaramada Midoobe oo qorshaynaysa in ay Somaliland si toos ah u siiso deeqaha DFS hesho

Qaramada Midoobe ayaa qorshaynaysa in deeqaha loogu tala galay Somaliland toos u siiso, iyadoo la badalayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la marsiiyo waxa loo yaqaanay Qoondada Gaarka ah ama Special Arrangement ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii kaas oo qayb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya.

Special Arrangement wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo galay Soomaalida qaybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka gadisan maamulada kale ee dalka oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan federaalka balse Somaliland aysan kamid ahayn.

9-kii June 2018 ayaa wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xasan wuxuu warqad uu u qoray wadamada deeqaha bixiya kaas oo uu ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya in aysan cusboonaysiin doonin heshiiska Qoondada Gaarka ee Somaliland oo dhacay 2016, taasi bedelkeedana dowladda federaalka ay masuul ka tahay qaybinta deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya loogu tala galay isla markaasna ay u aragto heshiiska Qoondada Gaarka mid naasnuujinaya maamul gaar ah (Somaliland).

Arintan waxaa dood ka keentay Somaliland oo ku dooday in aanay ku kalsoonayn Soomaaliya, waxaana muddooyinkanba socday dood arrimahaasi ku saabsan sida inay u saamayn karto dadaalada naf bad baadinta sida gar gaarka abaaraha oo si weyn loogu baahi qabo.

Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in 150 Milyan oo Dollar loo qoondeeyey Somaliland laguna hagaajin doono sanduuq loo bixiyay Sanduuqa Taageerada Somaliland oo Qaramada Midoobe soo jeedisay in la abuuro.

Waxaa sidoo kale jira in Somaliland iyo Qaramada Midoobe ay wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo Qoondada Gaarka Qaramada Midoobe ee Somaliland oo lagu badalayo heshiiskii 2013 ee ay dowladda Soomaaliya hada diidan tahay, waxaana qorshahaasi dabada ka riixaya dowladda Ingiriis oo u ololaynaysa hirgelinta qorshahani.

Khaatumonews