600 Deg Deg::Xildhibaan Soomaali ah oo labo qof ku dilay Deegaankii laga soo doortay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Xildhibaan Soomaali ah oo labo qof ku dilay Deegaankii laga soo doortay

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Maamulka Soomaalida Itoobiya uu dil u geestay labo ruux oo kunoolaa degmada Jarati oo laga soo doortay.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaan Bashiir Diiriye Camey ayaa dil u geestay labo ruux oo la sheegay in uu ka dhaxeeyay muran salka ku haya dhul beereed, waxaana Xildhibaanka dacwad kadib nolosha dhaafiyay labada ruux ee dacwada kala dhaxeesay.

Gudoomiyaha degmada Jarati Shaafi Diiriye Shaafi ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in ciidamada amaanka xabsiga dhigeen Xildhibaanka dilka geestay iyo labo ruux kale oo la socoay marka uu dilka geesanayay.

Waxa uu sheegay Gudoomiya Degmada Jarati in dilkan uu ka dhashay muran ka dhashay dhul beereed Maamulkii hore siisay Xildhibaanada, waxa uuna xusay in dhulalkaasi markii hore xoog looga qaatay dadkii lahaa.

” Dacwado badan oo la xiriira is qab qabsi dhulal beereed ayaa yaala Maxkamada degmada .“Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” Ayuu yiri Shaafi.

Dadkii lahaa dhulalkii xooga looga qaaday ayaa la sheegay markii uu meesha ka baxay Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar in ay bilaabeen dacwado ay kusoo ceshanayaan dhulkii xooga looga qaatay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...