Taariikhda jaceylka soomaalida marka laga hadlayo waxaa inta badan la soo qaataa Cilmi boodhari oo lagu xasuusto inuu ahaa aabihii soomaaliyeed ee dareenkiisa jaceylka muunadeeyey kuna run sheegay,goobtii u danbeysay ee uu ku geer-yooday Boodhari ee Batalaale ayaa ah goob loo dalixiis tago xilliyada dareenka jaceylku jiro,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Daawo Video
Caydaruus Cabdillaahi Beershiya iyo Suleekha cabdi cabdile waa lamaane arooskoodu ka dhacay xeebta Batalaale
”sida caadiga ah dadka ku nool Hargeysa ama nawaaxigeeda aroosyada waxay ku dhigtaan Hoteelada,anigu ilaa yaraantaydii waxaan ku hamiyi jiray in aan horseedo guulo dadka wax tar u leh,arintan waxay ii ahayd riyooyinkii aan nolosha ka lahaa,sidii aan u dhigan lahaa arooskayga ayaa ahaa mid ka duwan sida dadka kale u dhigtaan aroosyada” sidaa waxaa BBC-da u sheegay Caydaruus
Xafladan ayaa ahay mid ka duwan xafladaha aroosyada ka dhaca magaalooyinka dhamaan asaxaabta ka qeyb gashay arooskan ayaa safar ugu baxay magaalo xeebeeda Berbera goobta ka tilmaaman ee Batalaale,waa kan Beershiya oo ka sheekaynaya sidii xafladu u dhacday.
”Hargeysa waxaan ka dhaqaaqnay anaga oo wadana toddoba gaadhi oo midi Bas yahay,aniga iyo caruusadaydu martidii aan hor kacaynay waxaa nalagu soo dhaweeyey 12 habeenimo Berbera,subaxnimadii ayaan soo kormeernay Badda,waxan kaashanay farshaxanada qurxinta, waxaa noo soo baxay sawir qurxoon,waqtiga oo ku haboon sawir qaadista,dadka oo dhar qurxoon wata,muuqaalo diyaaradaha sawirka lagu duubayay xafladdu waxay noogu dhamaatay si ka fiican sidii aan filaynay”
Marka ay timaado qorshaha halka lagu qabanayo xaflada arooska waxaa inta badan go’aan ka gaara caruusada,Suleekha sidee ayay u aragtay hindisaha in arooskeedu ka dhaco goob ka duwan goobihii hore.
