Muqdisho{ Khaatumonews } Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Taliyihiisa waxa uu ku dhaawacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ilaalo ay ka hayaan Ciidanka sida qaaska u ilaaliya MadaxweynahaL

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Cabdifitaax Dabagaale oo ahaa Taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaawac soo gaaray, kadib markii muran uu soo kala dhaxgalay isaga iyo askarigiisa, taas oo sababtay in uu rasaas ku furay askarigu Taliyaha.

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in u murankaan uu yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu,hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Cabdifitaax Dabagaale.

Dhaawaca Taliyaha ayaa loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka eeku yaalla Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiiyo Xaaladiisa Caafimaad,waxaana durbo goobta ka baxday askarigii ka dambeeyay falkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayay Cabashada Ciidanka Xoogan Dalka Soomaaliya oo ku aadan Mushaar la’aan soo wajahday dhowr bilood,iyadoona warar qaar sheegayaan in Ciidanka gaar ah ee ilaalada Madaxtooyada aysan qaadan wax mushaar ah muddo ku dhow 2 bilood,sidoo kalena aysan weli wax Mushaar ah helin Shaqaalaha Madaxtooyadda.