dahabshiil

Raysal Wasaaraha New Zealand Oo laga Codsaday Inay Diinta Islaamka Soo Gasho iyo jawaabta ay Ka Bixisay,

Shabakadda Wararka Pakistan ee thenews.com.pk ayaa qortay in ra’isul wasaaraha dalkaasi, Jacinda Ardern ay wada-hadal la yeelatay  nin dhallinyaro muslim ah, kaasi oo ku casuumay inay ku soo biirto ama qaadato Islaamka.

Wada-hadalka dhex maray Ra’isul wasaaraha iyo ninka dhallinyarada Muslimka ah waxay dhaliyeen su’aalo xasaasi ah, haddii ay doonayso inay qaadato Islaamka.

Inkastoo ay hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalka New Zealand taageero u muujiyeen mujtamaca muslimiinta, kadib, markii weerarkii Argagixisadda ee lagu qaaday Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch.

Balse, Ra’isul-wasaare Jacinda  Ardern waxay toogashadaasi kadib ku guuleystay ammaan ay ka heshay dhamaan  Caalamka.

Durbadii uu dhacay weerarkaasi kadib, waxay booqatay Masjidka, waxayna la kulantay qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen toogashadaasi.

Waxaa si buuxda caalamka uu ugu ammaanay, iyadoo xiratay Xijaabka markii ay la kulmaysay qoysaska Shahiidiinta.

Wada-xaajoodka dhex maray Ninka dhallinyarada Muslimka ah iyo Ra’isul wasaaraha waxa uu soo-jiidasho noqday, markii uu Ninka dhallinyarada ku casuumay inay qaadato Islaamka.

Ra’isul wasaaraha si taxadar leh ayey u dhegeysatay, waxayna casuumaadiisa inay soo gasho Islaamka kaga jawaabtay dhoola-caddayn.

Waxa uu Ninkii Muslimka ahaa yiri “Xaqiiqdii waxa halkan i keenay waa adiga. Waxaan oynayey maalin kasta saddexdii maalmood ee ugu dambaysay. Waxaan samaynayey hal duco oo ka timid Alle iyo inaan iraahdo waxaan doonayaa inay hoggaamiyayaasha kale awoodaan inay eegaan aqoontooda hoggaamineed. Hal rabitaan ayaa ah inaan rajeynayo inaan hal maalin soo geli doontid Islaamka, waxaana rajeynayaan inaan ku wada kulanno Janada”.

Ra’isul wasaaraha New Zealand waxay iyadana ku jawaabtay: “Islaamka waxa uu ku barayaa aadanimadda, waxaana u malaynaa inaan anigu haysto taasi”.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=10568

Posted by on Mar 25 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841