600 Deg Deg:Kenya Oo Fashilisay Qorshe Itoobiya iyo Dawladda Soomaliya U Dajiyen Axmed Madoobe, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Kenya Oo Fashilisay Qorshe Itoobiya iyo Dawladda Soomaliya U Dajiyen Axmed Madoobe,

Kismaayo{ Khaatumonews } Dowladda Kenya ayaa ku gacan seertay xeelad ay dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya dejiyeen oo la doonayey in si farsameysan xukunka looga tuuro Axmed Madoobe,

Qorshahan oo Villa Somalia ay dowladda Kenya u jeedisay bil iyo bar ka hor, ayaa looga codsaday in ciidamada Kenya, Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ay qabtaan gobolka Jubbada Dhexe, oo inta badan Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, hase yeeshee fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Qorshaha ay dowladda damacsaneyd, oo ay ka dhaadhicisay Itoobiya, ayaa ahaa in marka la qabto gobolka, Axmed Madoobe lagu qasbo inuu usoo guuro magaalada Bu’aale, maadaama ay tahay caasimadda maamulka Jubaland.

Xeeladda arrintan ka dambeysa ayaa ahayd in Axmed Madoobe gacantiisa laga bixiyo magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale qabashada Jubbada Dhexe, oo kadib lagu xajin lahaa Gedo, ay dowladda siin lahayd inay maamusho in ka badan laba gobol oo Jubaland ah, taasi oo yareyn kartay sharciyadda Axmed Madoobe, awoodna u siin lahayd dowladda inay ku dul dhisto maamul kale, oo caasimad ay u tahay Bu’aale, haddii uu diido inuu usoo guuro Bu’aale.

Kenyan-ka iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay fahmeen xeeladdan, waxaana Kenyan-ka ay sheegeen in qorshahan laga dhigo kadib doorashada Jubaland.

Kenya ayaa hadda ah caqabadda iyo darbiga dowladda Soomaaliya ay ka gudbi la’dahay ,si ay meesha uga saarto Axmed Madoobe, taasi oo ku qasabtay inay la furto wada-hadallo aysan ku faraxsaneyn

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...