600 Deg Deg::Baadhitaan labo sano lagu hayay Trump oo la soo gunaanaday | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Baadhitaan labo sano lagu hayay Trump oo la soo gunaanaday

Ololihii doorashada ee madaxweyne Trump wada shaqayn ma dhex marin Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii 2016, sida ay sheegayso warbixin kooban oo Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah.

Warbixintan kooban ayaanse meesha ka saarin in madaxweyne Trump uu si sharci darro ah u hor istaagay caddaaladda.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa xogtan kooban ee xildhibaannada lala wadaagay ka soo dhex saaray natiijadii ka soo baxday baaritaankii la sameeyay.

Madaxweyne Trump oo arrintan ka jawaabaya ayaa Twitterka ku soo qoray “wada shaqaynna ma jirin, caddaalad la hor istaagayna ma jirin.”

Trump oo baaritaanka si joogto ah ugu tilmaami jiray quraafaad ayaa Axaddii sheegay “in ay waji gabax tahay in dalku uu marxaladdan maro isaga oo ku tilmaamay “arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”.

Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo.

“Inkastoo aan warbixinta lagu soo gunaanadin in madaxweynuhu dambi galay, haddana lama bari yeelin,” ayuu Muller ku soo gudbiyay natiijada baaritaankiisa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...