Deg Deg:Wasiir Ka Tirsan Maamulka SNM Oo La Xidhay,

Hargaysa{Khaatumonews}Wararka ka imaanaya magaalada Hargeisa ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Wasiirka Warfaafinta SNM Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, iyadoo loo heysto eedo la xidhiidha musuq maasuq.

Guri Barwaaqo ayaa maanta tagaya maxkamada magaalada Hargeysa oo la geeyay eedaha loo heysto ee ah wax is daba marinta, wuxuuna xilkiisa si Ku meel Gaadh ah ugu dhiibay Kuxigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.

Hanti-dhowraha Guud eeSNM, ayaa isagu ku adkeystay in la soo xidho Wasiirka Warfaafinta SNM, isagoo xabsiga ay uga sii horeeyeen Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta SNM,

Si kastaba, Hantidhowrka guud ee SNM ayaa soo gaba gabeeyay baadhis uu ku hayay wasaaradaha qaar ee SNM, waxaana la sheegayaa in Hantidhowrku ay musuq ku heleen Hay’adahamaamulkaasi qaar oo haatan xidhitaankoodu bilowday.