Deg Deg Daawo{Ciidanka Puntland Soo Bandhigay Talisyo Ay Qabsaden

Taliska ciidamada Puntland ayaa warbaahinta la wadaagey sawirrada saldhigyo ay ciidanku gacanta ku dhigeen saacadihii ugu dambeeyey iyo khasaaraha ay gaarsiiyeen dhinaca kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidanka ammaanka Puntland ee PSF ayaa waxaa lagu sheegay in ay howlgalladaan qorshaysan ka fuliyeen deegaamadakala ah Madarshoon, Karin Xagarood, Mariidle iyo Diindigle oo dhammaantood kuyaal buuraleeyda Cal-madaw ee gobolka Bari

Mudadii ay socdeen howlgalladaani ayaa ciidanku sheegeen inay ku dileen 19 kamid ahaa Alshabaab, ayna jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen xubno kale, waxaana warbixinta lagu sheegay in ciidanku gubeen raashin Alshabaab ay goobtaasi uga carareen.

Ciidamada PSF, PMPF iyo kuwa Daraawiishta Puntland ayaa marar badan howlgallo qorshaysan ka fuliyey buuraleeyda gobolka Bari oo ay ku dhuumaalaystaan rag katirsan Alshabaab iyo Daacish.