600 Deg Deg: Ciidamada dowladda oo sii daayay SARKAAL sare oo Al-Shabaab ah | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg: Ciidamada dowladda oo sii daayay SARKAAL sare oo Al-Shabaab ah

Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga qabtay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Khaatumo News Online.

Sarkaalka la sii daayay ayaa la sheegay in sii deysmadiisa ay ka dambeeyeen oo ay fududeeyeen 5 Askari oo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar oo Marka ku sugan.

Dood ka dhalatay arintaan ayaa shalay iyo maanta ka taagan degmadaasi, waxaana jimcihii mar ka dhacay dagaal gudaha kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga.

Saraakiil katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Warbaahinta u sheegay in shalay uu marka gaaray Taliyaha Guutada 14-ka Octoober, waxaana la soo xiray 5 Askari oo la aaminsan yahay in ay sii daayeen Sarkaalkaasi Shabaabka ah, sidoo kalane ay ka dambeeyeen dilka 2 ka mid ah Ciidamada Guutada 14-ka October oo ku dhintay isku dhacyo halkaasi ka dhacay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay ciidamada usii daayeen sarkaalka. Hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacda in askarta dowladda ay lacag dhaafsadaan arrimahan oo kale, ama ay kusii daayaan hab qabiil.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...