War Deg Deg Daawo Video:Qarax Shiinaha ka Dhacay iyo Dhimashada Oo Maraysa 44 Qof iyo Dhaawac Badan,

Warshad kiimiko oo ku qaraxday dalka Shiinaha ayaa dishay ugu yaraan 44 Qof, waxaana ku dhaawacmay 90 Qof oo kale, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaraxa ayaa ka dhacay shirkadda kiimikada samaysa ee Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha

Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado.
Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay.