Deg Deg Daawo Video:Afar Masaajid ku Yaal Ingiriiska Oo La weeraray

Afar Masaajid oo kuyaal Magaalada Birmingham  ee caasimada labaad dalka ingiriiska ayaa la weeraray.

Weerarkan ayaa lagu qaaday masaajidada xili laga maqnaaa waxana la burburshay guud ahaan Albaabada iyo Daaqadaha.

Dadka Deegaanka ayaa Arkay xili habeenimo ah nin sita Dubbe oo Burburinaya muraayadaha masaajidka.

Daqiiqado kadibna waxaa goobta soo gaadhay ciidanka booliska magaalada Birmingham.