Walle Hadaanu Nuux Taani Sool iyo Sanaag Deyn Aasaba Xigi

Taliyaha Maleeshiyada SNM Nuux Taani Ayaa saaka qorshe uu diyaariyay oo ahaa in uu sawiro iskaga soo qaado deegaanka yubbe islamarkaana halkaasi uga soo Hanjabo puntland waxaa fashiliayay ciidanka puntland oo xalay 12 Habeenimo Isku gadaamay Guud ahaan Deegaankaasi Islamarkaana waxaa uu saaka nuux Ku indho furay Ciidanka Puntland oo haysata deegaanka Yubbe waxaa saas ku fashilmay qorshihiisi Sawirka.

Nuux Taani Ayaa hore ugu nabad galay In uu sawiro iskaga qaado deegaanka tukaraq islamarkaana waxaa uu ku nabad galay in uu ku faano dhiiga shacabka Khaatumo iyadoo si cad loo xasuusto sidii ugu faanay dilkii Taliye ku xigeenka Ciidanka Khaatumo Mujaahid Farxaan Maxashwaan.

Taliyaha maleeshiyada SNM nuux taani sida muuqata waxaa xigi doona sawirka uu isku sawiraayo dhulka Daarood Sawirka maydiisa oo la isku sawiro.

Ilaahay Hawmaxariiste abwaan reer Khaatumo ah oo La odhan jiray Xinne Xiiray ayaa isagoo la hadlaaya dhulbahantaha ushaqataga Hargaysa waxa uu Tix gabay ah ku yidhi”Wallee Hadaan Dhabada laday aasaba Xiigi’Walle Hadaanu Nuux Taani Sool iyo Sanaag Deyn Aasaba Xigi’

Isku Soowada duubo waxaa nasiib daro ah In Maalis kasta Taliyaasha maleeshiyada SNM Ka dhigtan Taariikh iyo guul duulaanka iyo ku fiditaanka dhulka Daarood Gaar ahaan Harti.