Axmed Maxamed Cali waa Muwaadin Somali Sweden ah oo Muqdisho looga reebay diyaarad uu raac lahaa ayaa dowlada ka dalbaday in basporkiisa dib loo celiyo masuuliyiinta sar sare ee Dowladana ugu baaqay in dhibaatada taal garoonka Diyaaradaha Adan Cade ay wax ka qabato
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuuna sidoo kale dalbaday in magdhow laga siiyo tikidkii diyarada iyo Qarashaadkii uga baxay daganashiyaha hoteelka
Warqad ka soo baxday taliska Ciidanka bolice-ka Qeybta barista danbiyada C.I.D kuna taariikheysan 19-3-2019
Ku hey.ada socdaalka iyo jinsiyadaha og xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka
Ujeedo Xarayn Aarkiiviyo galdacwadeed siduu qabo Qod .70-71 XHCS
Waxaa la xirey gal dacwadeedka loo heystay la tuhunsayaasha kala ah
1 Mustaf Shekh Adan Sheikh Cumar ina jawaahir Maxamed 40 sano jir ah ku dhashay Xamar Dagan warta nabada
2 Axmed maxamed Cali ina faadumo maxamed jeelle 54 jir ah ku dhashay baladul amiin dagan swedan .
Markii aan sameynay baaris dheerad ah uuna weynay cadeymo ku filan si lagu dhaqaajiyo kiiskaan waxaa la xareeyey gal dacwadeedkaan waafaqasan qodobka 70-71 XHCS
Hey.ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliyeed waxaa laga doonayaa in labadaas muwaadin ku wareejiso basabooradooda maadaama aan weyney Cadeymo aan Maxkamada ku horgeyno
Warqada waxaa ku saxiixan
Cumar Cabdi Cilmi Cumar bile
