Deg Deg:Muuse Biixi Oo Qorsheeyay In Farmaajo Yimaado Hargaysa

Hargaysa{Khaatumonews}Waxaa Maanta ka baxay magaalada Hargaysa wasiirkii Arrimaha Dibada Erthaia Kaaso caga dhigtay mgaalada muqdisho kadib wadahadal mudo socday oo u lalahaa hogaamiyaha maamulka snm.

Xogta khaatumonews helayso ayaa shaacinasa in socdaalka wasiirka uu ahaa mid ay soo abaabushay dawlada itoobiya islamarkaana qorshuhu yahay in la isku soodhaweeyo Dawlada Fadaraalka iyo maamulka SNM

Sida aanu ku helayno wararka wasiirka ka socdey Dalka Erthaia waxaa uu u soo bandhigay madaxweynaha SNM in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargaysa islamarkaana wadahadalku halkaasi ka bilowdo.

Muuse Wuxuu U Yeedhay intaas kadib Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Beesha Arab Sheekh isaxaaq oo Uu ka Mid yahay Gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdulqaadir Jirde Waxaanu U soo Bandhigay In Ay ku Waafaqaan kuna taageeraan in Farmaajo Yimaado Magaalada Hargiasa Halkaana uu wada hadalku uga furmo

Way ku Gacan saydheen Dalabka Muuse Waxaanay u cadeeyen in qorshahaasi keeni doono halis iyo kacdoon,

Dhanka kale wararka aanu helayno ayaa sheegay in Wefti itoobiya Ka Socda imaanayaanHargaysa iyadoo socdaladaasi gogol xaadh u yihiin Hadii ay Suuro gasho Socdaalka madaxweyne Farmaajo Hargaysa.

Dawlada Itoobiya Oo adeegsana dawlaha Jabuuti Erthaia Imaaraadka ayaa qorsheynaysa inay dalalka Yurub.Maraykanka Turkiga ka dhex qaado qorshaha wadahadalka Dawlada Soomaaliya iyo maamulka SNM.

Si Kastaba ha ahaate Muuse biixi ayaa waxaa ku Qanciyay Qorshaha fadaraalka soomaaliya in uu La jaan qaado Raysal wasaaraha itoobiya Abiy axmed oo shaaciyay inaysan suuro gal ahayn dhabada Qarda jeexa ah ee ay hayaan 30 sano.