Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev, ninka keliya ee dalkaasi ka talinayay tan iyo intii uu ka baxay burburkii Midowgii Soviet horraantii 1990-meeyadii, ayaa iscasilay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Khudbad uu jeediyay, ayuu ku sheegay in go`aanku “uusan fududeyn” balse uu doonayo inuu caawiyo “Hoggaamiyeyaasha jiilka cusub”.
Mr Nazarbayev, oo 78 jir ah, ayaan caqabado badan la kulmin tan iyo intii uu qabtay xukunka dalkaas saliidda qaniga ku ah, sanadkii 1989.
Wuxuu weli madax ka sii ahaanayaa xisbiga talada haya ee dalkaasi.
Mr Nazarbayev ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas, Kassym-Jomart Tokayev, uu sii heyn doono xilka madxatinnimada inta muddadiisa uga hartay ilaa bisha April, sanadka 2020.
Waxay dad badan ka filayeen inuu mar kale isku soo taago xilka madxatinnimada.
Iscasilaaddiisa ayaa imaaneysa toddobaadyo uun kaddib markii uu riday dowladda, isagoo sheegay inay ku guul-darreysatay horumarinta dhaqaalaha.
Mr Nazarbayev wuxuu ahaa madaxweynaha keliya ee ay Kazakhstan yeelatay. Dad badan ayaa u haystay inuu weligii xilka hayn doono.
