Deg Deg Daawo Video:-Ciidan jiida Ka Soo Baxay Oo U jawaabay Raysal Wasaare Khayre,

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay isaga soo baxeen deegaano ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada ayaa waxa ay kasoo baxeen garoonka diyaaradaha Jowhar, degmada Mahadaay iyo deegaanada Qalimow iyo Garsaale ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ciidamadaas ay sheegeen in ay ka cabanayaan mushaar la’aan isla markaasna dhowr bilood aysan qaadan wax mushaar ah.

Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay maanta ku sugan yihiin degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

Saldhigyadii ay ciidamadaas kasoo baxeen ayaa waxaa sidoo kale ku haray ciidamo kale oo aan badnayn, waxaana ciidamadaas kasoo baxay deegaano ka tirsan Shabellaha Dhexe ay badi sheegeen in mushaar iyo raashin intaba dhowr bilood aysan helin.

Maalma ka hor ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay kasoo baxeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabellaha Hoose isla markaasna ay la wareegeen Ururka Al-Shabaab.