Gedo{ Khaatumonews }Warar goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Khaatumonews ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM saakay aroor hore isaga baxeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo .
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dadka deegaanka ayaa ku waramay in saakay mar qura ka warheleen ciidanka Kenya oo isaga guuraya saldhigii ay ku lahaayeen deegaan Buusaar , waxa ayna ciidanka Kenya aadeen dhinaca degmada Ceel Waaq.
Wali lama oga sababta ay ciidamada Kenya uga baxeen deegaanka Buusaar oo ah deegaan istaraatiiji ah oo goobo badan isku xira, waxaana deegaankan qabsashadiisa markii hore laga maray dhibaato badan.
Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano aan ka fogeyn Buusaar ayaa lagu soo waramaaa in durba galeen deegaankaasi gaar ahaan saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada Kenya.
Ciidanka Kenya ayaa dhawaan sidan oo kale uga baxay deegaanka Faax faaxdhuun ee gobolka Gedo, waxaana deegaankaasi iyana la wareegay oo hada gacanta ku haya dagaalyahanada Al Shabaab.
