FALANQAYN:-Maxaa ”Somaliland“ loo aqoonsan waayey, Oo Eratariya oo ka danbaysana loo aqoonsaday?.

Su‘aashan jawaabteeda waxay u baahan tahay in si qoto dheer loo falanqeeyo iyada oo aan waaqicaga jira layska bal finayn. Waxayna su‘aashan iyo jawaabteeduba xiiso yeesheen markii dhawaan uu markii ugu horaysay wasiirka arrimaha dibadda ee Eratariya booqasho ku yimi“Somaliland“ kaas oo ahaa mas‘uulkii ugu sareeyey ee Elatariyaan ah oo booqasho ku taga ”Somaliland“ tan iyo intii maamulkaasi gooni isu taaga ugu dhawaaqay.

Labadii xukun ee Itoobiya iyo Soomaaliya Mingiste iyo Siyaad waxay kala danbeeyeen muddo ku dhaw shan bilood, waxaana xilligii ay labadooduba galbadeen sanadkii 1991 ka dhacay Geeska Afrika gariir siyaasadeed iyo mid isbadel oo mugweyn, dawlado mideysnaa ayaa kala firdhay, xukunkiina wuxuu u iishay jabhadihii hubaysnaa ee dalalkii dagaalka sokooye ka socday ka jiray.

Raggii xilligaas Soomaaliya iyo Itoobiya mindida daabkeeda qabtay waxay kala qaadeen laba waddo oo aad u kala duwan, hoggaamiyayaashii cusbaa ee Soomaaliya waxay dalkoodii u horseedeen dagaal sokeeye oo lagu hoobtay iyo kala-go aan lagu heshiin.

Raggiise iyagu gacanta ku dhigay xukunka dalka Itoobiya waddo kale ayey qaadeen, Meles Zenawi iyo Isaias Afwerki waxay go‘aan sadeen in ay is afgarad ku dhameeyaan wixii xaajo siyaasadeed ee dhex taala, waxayna qaadeen tubtii ay markii danbe Eratariya xaqeedii ku heshay , iyaddoo markii hore ee hawlgalada la wadayba ay kala duwanaayeen Yoolka ay Eratariyiinta iyo SNM ku dagaalamayeen, hadafka Jabhaddii Eratariya ka dagaalamayey wuxuu ahaa in ay ka go‘aan dalka Itoobiya oo khasab loogu daray Itoobiya sanadkii 1952kii, halka SNM uu ahaa Yoolkoodu sida ay sheegeen dulmi diid oo aadna magacooda ka garan kartid” Dhaq-dhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyed“ ”Somali National Movement“ 
”الحركة الوطنية الصومالية“ 
magacaas oo ka turjumayey waxay ahaayeen, xilligii hawlgalka ay wadeen SNM way ka xanaaqi jireen in lagu tilmaamo in ay yihiin gooni goosad, waxayna ku doodi jireen in ay yihiin dulmi diid.

Dunida xilligaas mid waliba waxa uu doonayo ayuu u soo bandhigi jiray marka la weydiiyo baahidihiisa, sidaasi daraadeed Elatariyiinta markiiba waxaa u caddaa cida ay dantu ka dhaxayso isla markaana ay ku jirto rabitaankoodu go’aana ka gaadhi kara , waxaa u muuqatay waddada ay u marayaan siday xaqooda u soo dhacsan lahaayeen, waxayna qaateen talooyin badan oo ay rag khubara ahi u soo jeediyeen taas oo ahayd haddaad dawlad rabtaan waxay ku xidhan tahay Adis Ababa oo idin ogolaata, dabadeedna uu adduunweynuhuna idinku taageero.

Hoggaaniyayaashii Elatariya iyaga oo dalkoodii gacanta ugu jiro ayey markiiba xukuumad la dhisteen hoggaamiyayaashii kale ee Jabhaddii guulaystay ee dalka Itoobiya, waxayna guda galeen in ay Dastuurkii Itoobiya qoraalkiisa ka qayb qaataan, qodobo badan oo u gogol xaadhaya in ay Itoobiya ka go‘i karaan ku darsadeen Dastuurka Itoobiya, waxaana lagu daray qodobo ay ka mid ahaayeen in Itoobiya tahay dawlad federaal ah kana kooban maamul goboleedyo, kii doona in uu gooni isu taagana afti laga qaado, qodobadaasi waxay wadada u baneeyeen in shacabkii reer Elatariya muddo sadex saano gudahooda aragtidooda lagu weydiiyey in ay Itoobiya ka sii mid noqon karaan iyo in ay gooni isu taagi karaan , waxaana afti laga qaaday shacabkii Elatariya bishii afraad ee 1993kii iyada oo ay goob joogayaal caalami ahi indhaha ku hayeen qaabka aftidu u dhacayso kuwaas oo ka socday Qaramada midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Maraykanka, 28.05.1993 sidaasna lagu ogolaaday in Elatariya xubin ka noqoto Qaramada Midoobay laguna Ictiraafay iyada oo waliba ururka Midowga Afrika ka talaabsaday go‘aan caan noqday oo ahaa in aan xuduudihii gumaysigu ka tagay aan la taabane sidooda loo daayo.

3.05.1998 mar Wargeys bile ahaa oo lagu magacsabi jiray “Almushaahid“ “المشاهد” oo ka soo bixi jiray BBCda qaybta Carabiga lagu weydiiyey barnaamijkii la odhan jiray Waxweydiin iyo Warcelin
”بين السائل والمجيب”
su’aal ahayd “Maxay dawladaha Carbeed u aqoonsan waayeen (Somaliland) Eratariyaba markay ka go’day Itoobiya way aqoonsadeene“ wuxuu wariye xilligaas BBC-da ka tirsanaa oo arrimaha Afrika wax ka qori jiray oo la odhan jiray Patrick Gilex su‘aashaas isaga oo ka jawaaba yidhi: Somaliland muhiim ma ah sida Elatariya, wuxuuna intaasi ku daray in Elatariya ay dariiqa habboon oo ay adoros ku dareen u mareen madaxbanaanidooda, waxayna ku dadaaleen in Qaramada Midoobay goob joog ka ahaadaan aftida ay shacabkood ka qaadaan, Reer Elatariya waxay isu dhigeen sidii dawlad oo kale, waxayna garab ka heleen Maraykanka iyo Israa‘iil oo aad u doonayey in ay Badda Cas ka dhalato dawlad aan Carab ahayn si aan loo carqaladeyn marinka muhiimka ah ee Baabu Mandab isla markaana doonyahay Israa‘iil nabad ugu maraan. Elatariya waxay balan qaaday in ay Israa‘iil garab siin doonto, Maraykanka iyo Israa’iilna ay garab ku siiyaan xoriyadooda, waxa kale oo ay ogolaansho ka heleen xukuumaddii xilligaas ee Itoobiya, taasina waxay culuys ka qaaday ururkii Midowga Afrika oo isaguna ogolaaday in Elatariya dawlad noqoto 30 sanno oo halkan ay wadeen ka dib.

Sidaas daraadeed dalalkii Carbeedna way aqoonsadeen iyaga oo waliba ka biyo diidsan xidhiidhka Elatariya iyo Israa‘iil ee sii xoogeysanaya.

”Somaliland“ ayaa waxa uu sheegay in aanay iyagu la imaan talaabooyinkaas ay qaadeen Eletariyaanku, wuxuuna sheegay in goobta ay “Somaliland” ku taalo ee Istiraatiijiga ahi aanay ahayn mid muhiim ah sida ay Elatariya muhiimka u tahay, taas oo macnaheedu yahay in Elatariya Baabu Mandab aad ugu dhawdahay.

Wuxuuna intaas ku daray in aanay 
“Somaliland” Qaramada Midoobay si rasmiya uga dalban afti in laga qaado, maamul firfircoona aanu hoggaanka qaban,waxa kale oo uu xilligaas wariyaha su’aashan ka jawaabayey sheegay in aanay Muqdisho ka jirin xukuumad ogolaan karta in “Somaliland” go’do, wuxuuna sheegay in dhammaan dhinacyada Soomaalidu aaminsan yihiin in ay ka qayb qaataan shirarka, qaybna ka ahaadaan Soomaaliya, arrintaas oo Qaramada Midoobay aad u taageersan tahay.

Wuxuu intaas ku daray in ay adag tahay in Somaliland la aqoonsado haddaanu Maraykanku ogolaan, waxa kale oo tilmaamay in dalalkii geeska Afrika hore u soo xukumi jiray ay wali taageersan yihiin in “Somaliland”ay mid ahaato Soomaaliya sida Ingiriiska oo ahaa dalkii haysan jiray “ Somalialnd” Talyaaniga oo Koonfurta Soomaaliya ka talin jiray iyo Faransiiskuba.

Wuxuu sheegay in ay san jirin dawlad adduunka ka jirta oo dani ugu jirto in “Somaliland” ka go’do Soomaaliya oo ay madax banaanaato sidaasi daraadeed dalalka Carbeed waxay u arkaan in ay Soomaaliya ka mid ahaato, waxayna in badan u direen waftiyo iyo caawimo aan joogto ahayn, aqoonsiguna wuxuu u baahan yahay taageero ka timaada dhinaca Qaramada Midoobay, Madaxweyne Cigaala wuxuu quudaraynayaa in xoghayaha guud ee Cusub Kofi Anan il naxariiseed ku eego, murankii gudaha ee “Somaliand” ka jirayna la soo afjaray oo uu hadda quudaraynayo Cigaal in la qabto afti Qaramada Midoobay goob joog ka tahay, haday arrintaasi dhacdana waxay wax ka badeli kartaa sida xaalku yahay. Halkaa waxaa ku dhammaaday jawaabtii uu bixiyey wariyihii xilligaas 1998 la weydiiyey sababta loo aqoonsan waayey “Somaliland”.

Xilliyadii danbe qaladaadkii siyaasadeed ee lagu dhacay waxaa ka mid ahayd in iyada oo dhinaca kaliya ah afti uu Cigaal Ilaahay hawnaxariistee qabtay 2001dii iyada aanay jirin xukuumad Soomaaliyeed oo ay arrinahaas isla meel dhigeen, Qaramada Midoobayna goob joog ka ahayn, taasi waxay mar labaad sii anbisay shacabkii iyagu uqaatay in talaabadaasi gaadhsiinayso waxay rabeen.

Arrin kale oo ay aad ugu kala duwanaayeen Elatariya iyo “Somaliland” ayaa waxay tahay in shacabka Elatariya dhammaantood waligoodba ay ka mideysnaayeen in ay Itoobiya ka go’aan, hasa yeeshee shacabka ku wada dhaqan Dhulkii Ingiriisku haysan jiray kuma-wada socdaan in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’aan , sidoo kale dhammaan xuduudaha reer Elatariya waxay gacanta ugu jireen Jabhaddii xornimada u soo dagaalan tay hasa yeeshee “ Somalialnd” xadkeeduna ma mideysna shacabkeeduna ma mideysna.

Sidaasi daraadeed faraq weyn ayaa u dhaxeeya Elatariya iyo “Somaliland” waana sababta 30 ka dib Elatariyana Dawlada u tahay oo ay u qaaday wadadii habboonayd,“ Somaliland ” ay wali wadada qarda jeexa ah u hayso, waxaana muhiim ah in la garowsado iyada oo caqli iyo garasho la adeegsanayo in wadadan la hayo laga soo celiyo bulshada iyo sahanka oo toobiyaha dhabta ah dib loogu soo noqdo.

Asad Adaani Ibrahim