Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ehelada Caaisho Ilyaas Aadan oo dhowaan tacaddi iyo dil loogu geystey magaalada Gaalkacyo.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweyne Dani waxaa uu sheegay in kuwii ka dambeeyay falkaasi hadda gacanta lagu haayo, islamarkaana dhawaan sharciga la marsiin doono.
Waxaa uu sheegay in Puntland ay bilowday qorsheyaal kala duwan oo loogu tala galay in looga hortaggo tacadiyadda loo geysto Dumarka ee ka dhaca degaanada maamulka Puntland.
Falkii lagu kufsaday Caaisho ka dibna la dilay ayuu ku tilmaamay Mid Arxan daro ah oo aan ka tarjumeyn dhaqanka Suuban ee Umadda Soomaaliyeed.
