Hargaysa( Khaatumonews )Maanta ayaa la filayaa in Magalada Hargeysa ee deegaanada SNM u tago wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Sida la xaqiijiyey wafdiga ayaa marti-qaad waxa ay ka heleen Madaxweynaha SNM d Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan kasoo laabtay wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Wadfigaas ayaa noqonaya wafdigii ugu horeeyay ee heerkiisa ah kana socda Dowladda  Eriteriya kaas oo taga deegaano ka tirsan SNM,

Tallaabadaan ayaa imaaneysa xilli sidoo kale Muuse Biixi uu dhawaan tagay dalka Itoobiya oo xiriir wanaagsan la leh Eriteriya ,isla markaana uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.