Wakaaladda dawada Maraykanka ee FDA ayaa ansixisay kaniin cusub oo lagu dhex guntay aalad casri ah oo caloosha kasoo dhex gudbineysa macluumaadka la xiriira in qofka loo qoray kaniinka uu qaatay iyo in kale.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Kaniinkan ayaa waxaa soo saarta shirkadda Abilify MyCite waxaana loogu talogalay dadka miyir daboolba, waxaana qasab ah in qofka loo qorayo uu ogolyahan marka hore.

Balse waxaa la sheegay in mararka qaar fariinta aaladda yar ee kaniinka ku dhex jirta ay la daahi karto, soona gudbin karto saacado kadib.

Aaladan ayaa fariinta u gudbinaysa taleefoon casri ah oo uu haysto qofka bukaanka ah, kadibna waxa ay fariinta usii gudbaysaa dhaqtarkii dawada qoray, kaas oo ogaanaya in bukaanka uu dawada qaatay iyo in kale.

“In la ogaado in qofka qaba xanuunada maskaxda uu dawadiisa si fiican u qaato waa arrin fiican, FDA-na waxa ay taageeraysaa isticmaalka iyo soo saarka tiknoolajiyadda cusub, waxaana naga go’an in aan la shaqayno shirkadaha wax soo saarka dawada” ayuu yiri Mitchel Mathis oo ka tirsan maamulka wakaaladda FDA.