Telefishinka Al-jazeera ayaa Baahiyey Barnaamij loogu magac daray [ Dagaalkii Dekeddaha ] Waxaana siwayn diirada loogu saaray Dhibaatada iyo Qorsheyaasha halista badan ee Imaaraadka Carabta.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO MUQAALKA
Barnaamijka ayaa Gudaha u galay Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera, Waxaana lasoo bandhigay Xogo iyo Warbixino kala duwan, Iyadoo lagu Waraystay Masuuliyiin ka tirsan DF, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano kala duwan.
Barnaamijka Qodobada Miisaan Culus ee lagu xusay waxaa kamid ah.
Madaxwaynaha Soomaaliya oo ilaa saddex jeer dhaxal sugaha Imaaraadka kala hadlay sidii uu eegi lahaa hishiiska DP World, iyo Sababta keentay inaan qoraalka hishiiska saxda ah la soo bandhigin.
Hishiiska dekeda Berbera oo ay weheliyaan labo saldhig millitari oo cirka iyo badda ah oo Imaaraadku leeyihiin.
Qoyska madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo ayaa lagu sheegay barnaamijka inay laf-dhabar u ahaayeen hishiiska, iyagoo musuq Malaayiin dollar ku kacay iyo dano gaar ah kaleh.
–Shirkadda Dahabshiil ayaa lagu sheegay barnaamijka inay dhankeedana dabada ka riixaysay hishiiska maadaama ay xidhiidh ganacsi iyo mid qaraabo uu kala dhexeeyo qoyska Siilaanyo. iyo Arimo kale oo Xasaasi ah
