Liiska isku shaandheynta Wasiirada Raysal Wasaare Khayre & Axmed Madoobe oo Xubno ku leh

Muqdisho{Khaatumonews}Xog gaara oo ay heshay Khaatumonews ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu wado dhaq dhaqaaqii ugu danbeeyay ee isku shaandheynta ugu sameynayo Golihiisa Wasiirada.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul waraasaha ayaa inoo sheegay in Kheyre uu dhameystiray Liiska isku shaandheynta Wasiiradda isla markaana uu Maalmaha soo socda la filayo inuu ku dhawaaqo isku shaandheynta Golaha Wasiiradda oo Masuuliyiin dhowr ah ay xilalka ku weyn doonaan.

Sidoo kale,Waxaa jira Wasiiro la isku badalayo,kuwaasi oo laga qaadayo booska hadda ay joogaan lana geynayo boos kale.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa fulinaya Balan uu magaalada Kismaayo kaga soo qaaday Madaxweynaha Jubbaland taasoo ah in Wasiiradda cusub uu ku yeesho xubno.

Inkastoo aanan la ogeyn tirade saxda ee Axmed Madoobe ku yeelan doono Wasiiradda hadana Villa Somalia waxay arintan kaga go’leedahay in Madaxweynaha Jubbaland uu cilaaqaad wanaagsan la yeesho Dowlada dhexe.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku mashquulsan siduu u kala xulan lahaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo balanqaadyo waa weyn ka heysta Dowlada, maadaama xiliyo xasaasi ah ay kasoo bixiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre.

Beelaha qaar ayaan la dhacsaneyn habka uu wax u wado Ra’iisul wasaaraha balse waxaa la arki doonaa sida ay noqoto Isku shaandheynta cusub.