Deg Deg Daawo sawiro: Madaxweynayaasha Farmaajo & Geelle oo wadajir xariga uga jaray safaarada Jabuuti ee Muqdisho

Muqdisho{ Khaatumonews }Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Dhismaha safaarada Jabuuti ayaa laga hirgeliyey degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen.

Waxaa xiligan halkaas ka socota xaflad balaaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda labada dal, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada.