Boosaaso{ Khaatumonews }Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobolkaasi ay iskaga baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Puntland.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanka Buuraleyda Gal-gala ee gobolka Bari isla markaasna waxaa ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaan lagu magacaabo Jimbac oo qiyaastii 28-KM dhanka bari kaga beegan deegaanka Afurur ee gobolkaasi Bari.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadani ka tirsanaa Puntland ee oo ku sugnaa halkaasi oo watay gaadiidka dagaalka oo isugu jiray ciidamo Boolis iyo kuwa Daraawiishta Puntland ay afka saareen deegaanka Afurur, kadib markii ay iskaga baxeen deegaanka Gal-gala.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegaya in sababta ciidamadani saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaanka Buuraleyda Gal-gala uga baxeen ay tahay mushaar la’aan soo wajahday ciidamada oo muddooyinkii ugu dambeeyey aanan helin wax mushahar ah.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay lamaaha amaanka iyo madaxda Puntland oo ku aadan ciidamadan maanta isagay baxay deegaanka Gal-gala ee gobolka Bari.