Muqdisho{ Khaatumonews }Waxa baaqday kulan la doonayay in gogol xaar loogu sameeyo dib u bilaabista wada-hadallada dawlada Soomaaliya iyo Maamulka SNM oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Khaatumo News Online.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Sida aan xogta ku helnay, kulankan waxaa abaabulay ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadallada Soomaaliya iyo SNM Dr. Oglan Baker, waxaana la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ka furmo 18 March, iyadoo ay labada dhinac ogolaadeen inay soo dirtaan wufuud kulankaas gogol xaadhka ah ka qayb gasha.
Hase yeeshee kulanka ayaa baaqday ka dib markii ay dawladaha Britain, Maraykanka iyo Sweden oo si weyn u danaynaya wada hadalladu ay ka cago jiideen inay goob-joog ka noqdaan kulankaas.
Kulanka ayaa gogol-xaar u noqon lahaa kulanka la qorsheeyey inuu ka dhacyo magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana 19-ka March, sida uu horey u sheegay Muuse Biixi, waxaana muuqata in kulankaasna uu baaqan doono.
Maamulka SNM ayaa qorsheeyay inuu kulankaas inuu uga qayb galo Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon,kaaso qorshaha loo hor dhigaayo dawlada soomaaliya ay tahay in la tuso in uu ka soo jeedo gobolada khaatumo hase yeeshee ma cadda cidda ay dowladda Soomaaliya u xulatay kulankii.balse waxaa laga cabsi qaba oo maamulka snm ka walaacsan yahay in dawlada soomaaliyana Iyana safka hore soo dhigto ee wadahadalka xubno isugu jira reer Waqooyi
