widhwidh{ Khaatumonews }Deegaanka Banyaal ee Gobolka cayn waxaa maant ku soo xidhmay  shir nabadeed  loo qabtay beelaha Cali Gari Axmed iyo Maxamuud Barkad.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Beelahan oo mudo hada bilo laga joogo Dilal ku dhexmeren Gobolka Cayn ayaa ka heshiiyay Dilalkaasi waxaana ka soo baxay qodobo looga heshiiyay sadexdii nin ee ugu danbeeyay ee beelahaasi iska dilen.

  • In  Labadii Nin Ee Beesha Cali gari Beesha Maxamud Barkad Ka Bixiso Ninkiiba 150  Halaad Kuna Bixiso Mudo Afar Bilood ah
  • In Ninkii Buuhoodle lagu dilay Beesha Cali gari ka Bixiso 150  Halaad Kuna Bixiso Mudo Afar Bilood ah

Sidoo kale Goobta waxaa lagu kala qaaday aaska Sadexna nin ee Ku kala dhintay labada Ardaa iyo sadex Qori,

Dhaawaca Shan Nin Oo Beesha Barkad Hore uga dhaawacmay Dagaal Beelaha ku dhexmaray Deegaanka Higlada ayaa Afar Kamid ah dhaawacyada iyana lagu kala xaqay Goobta

Ugu Danbayntii Beelaha waxaa loogu baaqay adkeynta nabada Ilaalinta walaltinimada iyo Ka fogaanshaha Fidno mar kale ka dhex hurta

Khaatumonews.com