Deg Deg:Shirkii Maamulada iyo Dawlada Soomaaliya Ee Garoowe Dib U dhacay iyo Sababta Ka Danbeysa ?
Waxaa dib u dhac uu yimid shir weynihii magaalada Garowe ay kuwada yeelan lahaayeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowladd goboleedyada oo lagu balansanaa 15-ka bishani March in uu ku dhaco magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo Khaatumonews ay ka heshay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in shirkaasi dib loo dhigay muddo Shan maalin sababo la xidhiidha madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dalka dibediisa ah ku maqan iyo sidoo kale khilaafkii u dhaxeeyey dowladd goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo weli wax xal ah aanan laga gaadhin.
20-ka bishani ayaa la sheegay in uu shirku ka qabsoomi doono gudaha Garowe, waxaana shirkani marti galinaysa Puntland oo madaxweyne Denni ayaa hore ugu baaqay caleema saarkiisii in shir weyne loo dhan yahay uu ka dhaco Garowe.
Arimaha lagaga hadli doona ayaa inta ku salaysnaan doona xal u helida khilaafka kala dhaxeeya dowladd goboleedyada dowladda federaalka Soomaaliya, deeqaha dalka soo gala, mashaariic horumarineed oo laga fuliyo deegaanada ay maamulaan dowladd goboleedayada iyo arimo kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa marka uu dalka kusoo laabto ka qayb gali doona shirkani, waxaana madaxda dowladd goboleedyadu ay dhamaantood kawada hadli doonaan madaxweynaha qorshayaal u dagsan iyo waxyaabaha ay ka tabanayaan dowladda.
