Daawo::Muuse Biixi Oo Muujiyay Baahidu U Qabo Wadahadalka Dawlada Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka SNM Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in uu dib u bilaabanayo wadahadaladii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka uu isagu hogaamiyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Biixi ayaa sheegay in 19-ka bishan aan ku jirno ee Maarso in qorshuhu yahay in wadahadal u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo SNM uu ka furmo  dalka Gana ee kuyaala Galbeedka Afrika.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha SNM in dhankooda ay raali ka yihiin wadahadalkaasi ka dhaca dalka Gana, waxa uuna xusay in dowlada federaalka Soomaaliya ay diidan tahay wadahadalka Gana ka furmaya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin wadahadalkan ka dhacaya dalka Gana, lamana oga ilaa hada in Dowlada Federaalka ay aqbashay wadahadalada lagu wado in uu ka furmo dalka Gana.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka SNM ayaa istaagay sanadkii 2015-kii, waxaana dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo marar badan shaacisay in diyaar u tahay in dib loo bilaabo wadahadalada.