Dhacdo Yaab Leh:Muwaadin Udhashay Qatar Oo Cay Aan Hore loo maqal Ku Caayay Somali Shaqaale u ahaa iyo Xiisad Ka Dhalatay,

Sida lagu baahiyay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxaya dalka Ingiriiska Ruux u dhashay dalka Qatar ayaa aflagaadeeyay darawalkiisa oo Soomaali ah, kuna tilmaamay Ey, Daanyeer iyo Addoon Madow ah.

Wargeyska ayaa daabacay in Diblumaasiga [ Abdullah Ali Al-Ansari ] oo ah madaxa Caafimaadka ee Safaaradda Qatar ku leedahay dalka UK ayaa darawalkiisa oo Soomaaliya ah u muujiyay naceyb iyo Midab Takoor, waxaana la sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay Adduun Madow.

Darawalka oo ah Soomaali British laguna magacaabo Maxamuud Axmed ayaa dacweeyay diblomaasiga, waxaana la sheegay in kadib dacwadiisa Diblomaasiga uu ka codsaday in uu qaato £50,000 oo laaluush ah dacwaddana uu ka laabto.