Ceerigaabo{ Khaatumonews }Xiisad u dhaxeysa maamulada SNM iyo Puntland ayaa ka taagan deegaano katirsan gobolka Sanaag, waxaana labada maamul halkaasi geeyeen ciidamo badan oo laga cabsi qabo in ay isku dhacaan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Maamulka SNM ayaa Maleeshiyaad badan soo galisay deegaano katirsan gobolka Sanaag oo Puntland hoostaga, waxa ayna ciidamada durba la wareegeen deegaano ay kamid tahay Yubbe oo Puntland maamuleysay.

Ciidamo badan oo katirsan maamulka Puntland ayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay iyana gaareen deegaano katirsan gobolka Sanaag gaar ahaan meelo aan ka fogeyn halka ay yimaadseen Ciidamada SNM,

Madaxtooyada maamulka Puntland qoraal shalay laga soo saaray ayaa lagu sheegay in uu ka dhamaaday dulqaadka ayna iska difaacayaan daandaansiga iyo weerarka uga imaanaya maamulka SNM,

Shacabka ku dhaqan deegaanada ay xiisadu ka jirto ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, waxa ayan shacabku ka cabsi qabaan in ciidamada labada maamul ay korkooda ku dagaalalamaan.

Lasoco Wixii Soo kordha Khaatumonews