Deg Deg:Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Gaalkacyo.
Wararka anu ka helenyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,ayaa ku soo waramaya in Dagaal Khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay uu Saakay ka dhacay Magaaladaasi.
Dagaalka ayaa ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland,waxa uuna yimid Dagaalka kadib markii sida la sheegay ay labo Maleeshiyo, oo maalmihii dambe isku heystay dhul ku yaalla Nawaaxiga Xabsiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo ay halkaasi ku daagaalameen.
Dad Goob jogayaal ayaa SBC,u sheegay in Dagaalka ay ku geeriyodeen 2 Ruux, halka 5 kalana ay ku dhaawacmeen,kuwaas ah Maleeshiyaadkii Dagaalamayay.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan waqooyiga Magaalada ayaa ah mid maanta kacsan,iyadoo wali labadii Maleeshiyo ee Dagaalamay ay wali isku horfadhiyaan goobta ay ku dagaalameen,waxaana mararka qaar lama maqlaya Rasaas goos goos ah oo labada dhinac isku ridayaan.
Wali Saraakiisha Amniga iyo Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland,kama aysan hadlin Dagaalka,waxaana Dadka Shacabka ee ku Nool waqooyiga Gaalkacyo soo wajahay cabsi ku aadan in wax yeelo ay ka soo gaarto Dagaalka.
