War Deg Deg Ah:Puntland Saraakiil kale Oo Is Casiley.

Garoowe{ Khaatumonews }Wararkii ugu dambeeyey Khaatumonews.com ay helayso ayaa sheegaya in uu is casilay abaan duulihii ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Salaad (Gorayo-cawl) oo warqadiisa is casilaada u gudbiyey madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni.

Arintani ayaa salka ku haya dhaq dhaqaaqyada ciidamada SNM ay kawadaan gobolka Sanaag, waxaana ka horeeyey abaan duulaha oo isna is casilay taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey ciidamada Puntland.

Xaalada deegaanka Yubbe ayaa kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Sanaag.

Madaxtooyada Puntland ayaa iyaduna si adag uga hadashay dhaq dhaqaaqa ciidamada SNM oo ay ku tilmaamtay duulaan ka dhan ah Puntland, halka madaxweyne Denni uu ku hanjabay in dagaal ay kaga jawaabi doonaan duulaanka SNM,